Safiirka Maraykanka “Somaliland waxaan unaqaan Gobol Somaliya ka mid ah”

Safiirka Maraykanka,ayaa Waraysi uu siiyay Garowe Online kaga gadlay mowqifka Dowlada Maraykanka ee qadiyada gooni goosadka Gobolada Waqooyi ee Somaliya.

“Waan xushmeynaa guulaha Gobolka Somaliland, marka ay noqoto maamulka dimuqraadiyadda, horumarka dhaqaalaha iyo ammaanka. Waxaan mas’uuliyiinta Somaliland kala shaqeynaa hadafyada aan wadaagno, si la mid ah sidaan ugala shaqeyno maamullada kale ee federaalka,”Ayuu yiri Safiirku.

Dowladda Mareykanka waxay aqoonsan tahay madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda taariikhiga ah oo ay ku jirto Somaliland,”Ayuu yiri.

Waxaan su’aasha maqaamka Somaliland u aragnaa arrin u taalla shacabka Somaliyed oo ay ku jirto Somaliland inay go’aan ka gaaraan.”

Waa albaabkii Labaad oo kasoo xirmay Hargaysa,waxaana ka horeeyay midkan isku daygii qadiyada gooni goosadka lagu horgayn lahaa Baarlamaanka Ingiriiska ee isna fashilmay.

Sida muuqata 30-sano kadib Hargaysa waxay ku khasban tahay in ay waaqiciga wajahdo.