Video:-Wefti Beesha caalamka ka socda oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta aqalka martida ku qaabilay wafdi kasocday beesha Caalamka oo ay hogaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tinna Intelmann,

Waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Safiirada dalalka Norway, Sweden, Netherlands iyo hay’adaha kala duwan ee gargaarka.

Madaxweynaha ayaa wakiiladan heerka caalamiga ah la wadaagay xaalada abaaraha ee Jubaland ka jira taas oo ay la qabto qeybaha kala ee dalka iyo marxaladaha ku gaarka ah.

Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in gurmadka gargaar ee hada loo baahan yahay uu yahay kii ugu muhiimsanaa ee lagu samata bixinayo dadweynaha ay abaartu saamaysay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dadaalada socda ay u baahan yihiin kaalmo dheeraad ah isla markana ay jirto xaalad daran oo u baahan in si wadajir ah loo wajaho gaar ahaan biyo yaraan daran oo Wali meelaha qaar ka jirta isla markana xoolaha iyo dadkuba ay la daala dhacayaan.

Xoolaha nool ayuu Madaxweynahu xusay in xalafkii ay u baahnayeen ayna helin taas oo sababtay in xoolo badan ay dhimanayaan bilihii lasoo dhaafay guud ahaan Jubaland.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa xusay in abaaraha iyo fatahaada soo noqnoqday ay yihiin kuwo u baahan xal waara oo guud ahaan dalka lagaga samata bixinayo.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid aadan qaar kamid ah golaha wasiirada gaar ahaan wasiirada gargaarka iyo biyaha iyo Masuuliyiin kale.

Halkan ka daawo muuqaalka