Xisbiga Barwaaqo Ee Abiy oo xilka ka qaaday 2-kun iyo 574-Qof

Madaxweyne-ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in qiimeyn uu xisbigu sameeyay masuuliyaddii ay hayeen lagaga xayuubiyay 2 kun iyo 574 masuul.

Mudane Aadan Farax ayaa bixiyay war-saxaafadeed ku qotoma geeddi-socodka u dhaxeeyay kal-fadhigii hordhaca ahaa illaa shir-weynihii 1aad ee xisbiga ee qabsoomay.

War-saxaafadeedka ayuu ku sheegay in qiimeyn lagu sameeyay 108 kun 258 masuuliyin ah, waxaana laga tallaabo qaaday 10 kun 658.

Waxaana xilkooda laga xayuubiyay 2 kun 574 ka mid ah 10 kun iyo 658da masuul ee laga tallaaba qaaday.

Masuuliyiinta dhimman ayuu sheegay madaxweyne-ku-xigeenku in la siiyay digniino culculus iyo kuwa fudfudud.

SRTV Somali