Maraykanka oo taageeray Jadwalka dhamaystirka Doorashada

War qoraal ah oo lagu Daabacay Twitterka Safaaradda Mareyanka ee Muqdisho ayaa lagu taageeray jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee la Xariira dhameystirka Xildhibaannada iyo dhaarintooda.

Qoraalka Safaaradda ayaa lagu yiri” Waxaan rajaynaynaa in aan la kulanno Xildhibaannada cusub ee Soomaaliya kaddib markii la dhaariyo Bisha Apriil 14-keeda”