QM oo aas-aastay Maalinta Caalamiga ah ee la-dagaalanka Islaam naceybka

Golaha Guud ee QM ayaa Talaadadii ansixisay qaraar aas-aasaya in 15-ka March ay noqoto Maalinta Caalamiga ee la-dagaalanka Islaam Naceybka.

Qaraaarkan, oo ay isku raaceen 193-ka xubnood ee QM, islamarkaana ay soo jeediyeen 55 dal oo badankood Muslim ah, ayaa adkeynaya xuquuqda xoriyadda diinta iyo rumeynta.

Wuxuu sidoo kale dib usoo nooleynayaa qaraarkii 1981-kii ee ku baaqaya “baabi’inta dhammaan nooc kasta oo ah dulqaad la’aan iyo takoor ku saleysan diinta iyo waxa uu qofku aaminsan yahay.”

Qaraarka ayaa walaac xooggan ka muujiyey “sare u kaca xaaladaha takoorka dulqaad la’aanta iyo rabshadaha, ciddii doonta ha gaysatee, ee ka dhanka ah dadka aaminsan diimo dhowr ah, oo ay ku jiraan kiisaska ka dhashay Islaam naceybka, Yahuud naceybka, Kirishtan naceybka iyo naceyb kasta oo ka dhan ah qof aaminsan diin kale.”

Qaraarka ayaa weydiisanaya dhammaan dalalka, hay’adaha QM, ururadada caalamiga ah iyo kuwa goboleed, bulshada rayidka, shirkadaha gaarka loo leeyahya iyo urur diimeedyada “inay abaabulaan munaasabado ujeedkoodu yahay sare u qaadidda wacyiga lagu xakameynayo Islaam Naceybka” ayna u adeegsadaan Maalinta Caalamiga ah ee cusub inay kula dagaalaan Islaam Naceybka.

AP