Wada hadalada Ruushka iyo Ukraine oo rajo laga muujiyay

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in wada hadalada ay la leeyihiin Ruushka ay haatan u muuqdaan kuwo macquul ah, oo yeelanaya natiijo mira dhal ah.

Hadalkan ayaa yimid ka gadaal markii mar kale ay is hor fariisteen xubno ka kala socdey Ukraine iyo Ruushka talaadadii.

Muuqaal la baahiyey xaley, ayuu ku sheegay Zelensky in ay soo baxayaan mowqifyada wada xaajoodyada, iyadoo ay jirto ifafaalo wanaasan.

Ha yeeshee wuxuu intaa ku darey “wali in loo baahan yahay waqti dheeraada, oo ay go’aanada ku noqon karaan danta Ukraine”.

Wada hadalada u dhaxeeya Ruusha iyo Ukraine, ayaa lagu wadaa in xili dambe oo maanta ah ay sii socdaan.

Madaxweyne Zelensky,ayaa sidoo kale khudbad u jeedin doona Congress-ka Mareykanka maanta.