Xiligii digniinta Hey’adda Lacagta Adduunka “IMF” oo lagu sii siqayo

Dibu dhaca ku yimaada doorashada Soomaaliya, ayaa wuxuu la macno noqon karaa in qorshaha Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee isbedelka aan dib loo eegi Karin, waqtigeeduna uu ku aaddan yahay bartamaha bisha May.

Waxay xilligaas IMF joojin kartaa barnaamijyadeeda Soomaaliya muddo saddex bilood ah.

Dib u eegistaas barnaamijyada hay’adda ee Soomaaliya, ayaa waxay u baahan yihiin in la dhammeystiro ka hor 17-ka May, haddii aan xilligaas la dhammeystirinna laga yaabo inuu barnaamijka istaago.

Arrintan,ayaa waxay saameyn adag ku yeelaneysaa miisaaniyadda dalka, iyo heshiishyadii deyn cafinta.