Deni oo socdaal dhaqaale soo qaadasho ah U aadaya Imaaraadka

Waxuu usocdaalaya Imaaraadka oo uu kasoo qaadanayo Lacag Madaxweyne Deni.

10-Milyan oo dolar,ayaa taala Imaaraadka,taasoo ah Lacagtii uu ku wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Bosaso.

30-sano,ayaa Garoonka Bosaso loo saxiixay Imaaraadka.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo Garoonka,waxaa isticmaali doona si dadban Ciidamada Maraykanka,balse,waxaa heshiiska galay Imaaraadka.

Waxaa jira 25% waxa kasoo baxa oo la siiyay Deni laguna qoray Walaalkii Xasan Deni.

Lacagtaas waxay toos ugu dhacaysaa Koonto iyo Xaafiis reer Deni ka furteen Imaaraadka.

10-ka Milyan lagama soo qaadin hal Dolar oo toos,ayaa loogu wareejiyay Koonto Dubai ah markii la bixiyay.

Imaaraatiyiinta,ayaa la yaabay oo yiri xataa 2-Milyan gudaha looma qaadin,iyadoo Number-kii isku xigay leh,ayuu wareejiyay.

Dowladii Gaas 15-kii Milyan ee ay ka qaadatay wareejinta Dekeda waxay rushayn ahaan ubixisay ilaa 10-Milyan.

Jibril Qoobey.