Axmed Karaash oo looga baxay balamo lala galay

Inta badan Xildhibaanada Karaash kuma qabsan Deni oo waa usii daayay,isagoo ilaalinaya balan ay wada galeen.

Karaash,waxaa lagula heshiiyay in uu Deni dhiso oo uusan caqabad ku noqon hankiisa Xamar.

Dhankiisa,waxaa loo balan qaaday dhawr arimood oo ay ugu horeeyaan…

1.In Deni iscasili doono marka uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa.

2.In Karaash aan lagu faragashan doonin cida unoqonaysa M.xigeenka oo lagala shaqayn doono sidii loo dooran lahaa Masuul ay isla jaanqaadi karaan.

3.In Wasiirada hada banaan iyo kuwa noqday Xildhibaanada iyo Agaasimayaasha uu toos usoo magacowdo Karaash si uu udiyaarsado Dad la shaqayn kara.

Durba,waxaa xoguhu sheegayaan in looga baxay mid ka mid ah heshiiskaas,kaasoo ah magacaabista Wasiirada iyo Agaasimayaasha.

Deni,ayaa la filayaa intuusan Dalka ka dhoofin in uu sii daayo Liis Wasiiro iyo Agaasimayaal ah oo cusub.

Hadii xogtaas rumowdo,waxaa muuqata in Karaash lagu guuray lagana adeegtay.

Jibril Qoobey.