Turkiga oo laga dalbaday in uu taageero dheeriya siiyo Ukrain

Maraykanka,ayaa si aan rasmi ahayn ula soo qaaday dowladda Turkiga suurtogalnimada haddii ay Ukraine u dirto gantaalaha difaaca hawada ee S-400 ee uu Ruushku sameeyay, si ay uga caawiyaan la-dagaallanka ciidamada Ruushka ee kusoo duulay, sida laga soo xigtay saddex ilo wareed oo arrintan la socday.

Saraakiisha Mareykanka ayaa soo jeedintan bishii lasoo dhaafay u gudbiyay dhiggooda Turkiga, balse ma jirto codsi gaar ah ama mid rasmi ah oo loo gudbiyay Turkida, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters. Waxay sidoo kale sheegeen inay arrintan si kooban u soo baxday booqashadii ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Wendy Shermanay ku tagtay Turkiga horraantii bishan.

Maamulka Biden ayaa waydiistay xulafadiisa isticmaasha qalab iyo hubka uu Ruushku sameeyay oo ay ku jiraan qalabka difaaca hawada ee S-300 iyo S-400 inay ka fiirsadaan u wareejintooda Ukraine, xilli Ukriane isku dayayso inay iska difaacdo duullaanka Ruushka ee bilowda 24-kii Febraayo.

Fikirkan oo ay khubaradu sheegeen in la hubo in uu Turkigu si weyn u diidi doono, ayaa qayb ka ahayd dood ballaaran oo dhex martay Sherman iyo madaxda Turkiga oo ku saabsaneyd sidii Maraykanka iyo xulafadiisa ay qeyb lixaad leh uga qaadan lahaayeen taageerada Ukraine iyo sidii loo hagaajin lahaa xiriirka labada dal.

Dowladda Turkiga ayaan ka hadlin soo jeedinta Mareykanka ama soo jeedin la xiriirta u wareejinta Ukraine ee agabka difaaca ee S-400 ee Ankara, kaas oo ahaa qodob ay muddo dheer ku muransanaayeen labada dal ee ku jira xulufada NATO.

Ilo-wareedyo iyo falanqeeyayaasha Turkiga ayaa sheegay in talo kasta oo noocaas ah ay noqon doonto mid aanu Turkigu ka qeyb qaadan doonini, iyaga oo soo xiganaya arrimo ay ka mid yihiin caqabadaha farsamo ee la xiriira ku rakibidda iyo ka shaqaynta S-400 ee Ukraine, iyo walaacyo siyaasadeed sida; dhabar-jabk Ankara ay u badan tahay inay kala kulmi doonto Moscow.

Washington waxay si isdaba joog ah uga codsatay Ankara inay ka takhalusto gantaalaha difaaca hawada ee uu Ruushku sameeyay tan iyo markii ugu horeysay ee ay keensatay bishii July 2019, waxaana Maraykanku cunaqabatayn kusoo rogay warshadaha difaaca ee Turkiga, taas oo keentay in xubin ka tirsan NATO oo ah Turkiga laga saaro barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Turkiga ayaa xudduud dhanka badda Black Sea ah la wadaagta Ukraine iyo Ruushka, wuxuuna xiriir wanaagsan la leeyahay labada dal.

Reuters