Isim ka mid Isimada Puntland oo iscasilay

Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire oo is casilay

Ujeedo: shir saxaafadeed 21/3/2022

Anigoo ah Abdinaasir Mohamud Mire waxaa la ii doortay taariikhdu markay ahayd 25 Dec 2019 inaan Fiqi u noqdo beesha Reer Xirsi Faarax ee Cumar Maxamuud .

Waxaa dhacday in shir aan isugu nimid magaalada Garoowe odayaasha beesha .
markii ay kasoo wareegtay caleema saarkaygii hal sano iyo siyaado oo aan la iisheegin waxa la iidoortay iyo waxa aan qabanayo waxay yihiin.
waxaan weydiiyey su’aalo sadex ah.

1) Maxaa idinku dhaliyey inaad Fiqi doorataan ama Isim.
2) Maxaad rabtaan in uu idiin qabto.
3) Sidee rabtaan inaad u wada shaqaysaan.
Iigama aysan jawaabin su’aalihii aan weydiiyey.
Su’aashii aan waagaas weydiiyey waxay iiga jawaabeen 16/3/2022 markii xaaladu adkaatay oo Madaxweyne Deni uu xubnihii baarlamaanka ee Cumar Maxamuud ku lahaayeen federalka uu sheegay inuu siinayo Sanyare iyo Cismaan.

Cumar Maxamuudna diidey rabitaankii Deni qayladiina cirka isku shareertay bay ii yeereen.

Waxay igu dhaheen waxaad ushaqaynaysaa nin dhex u ah Cumar Maxamuud mana aha xaalku sidaa .

Waxaan udooranay Fiqi in uu maanta oo kale wadaanta ceelka nagala saaro oo aanan marti u noqon cidna ee nala difaac kursiga una shaqee sida asaagaa oo kale qaarbaaba baabuur gaashaaman usoo kaxaystay si ay kursi u helaan adna mid nala siiyey baadan difaacayn.

Sidaas darteed markii aan arkay in aan larabin in bulshada lagu hogaamiyo Diin,xishood,isku tanaasul iyo is ixtiraam.

Markii aan arkay in aan lagu kalsoonayn hogaamintayda.

Markii aan arkay in aanan wax ka qaadi karin waxna u soo qaadi karin beeshii idooratay.

Markii aan arkay dhaqanka iyo say u fakarayaan saaxiibadii aan wada shaqayneyney.

Markii aan arkay inaan waxba gacan iigu jirin ee aan cidla ordayo.

Waxaan go’aan saday in aan fursad u siiyo beesha in ay layimaadaan qof ugu shaqeeya siday rabaan.

Waxaan idiin cadaynayaa in aan iska casiley Fiqinimadii iyo masuuliyadii aan u hayey beesha .

Talo soo jeedin.

Beeshu markii ay dooranayso Fiqi waxay qabataa shirweyne wadatashi oo ay kubaxdo haf milyan doolar,waxaana isugu yimaada shirkaas bulshada qaybaheeda kala duwan sida,

Nabadoonada,Samadoonada,Culumaa’udiinka, Aqoon yahanka ,Ganacsatada iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan oo isaga yimaada daafaha aduunka.

Halka beelaha Soomaaliyeed oo kale ay usoo xushaan dhaqanka dhaxal iyagoo cidii ay dooranayaana kuwargaliya inay beeshaan yihiin kana shaqeeyaan danahooda.

Waxayna ku ababiyaan fakarkooda oo ah inuu u difaaco waxay leedihiin una soo dhiciyo waxaysan lahayn.

Ma oran karo fikir fiican oo aad bilowdeen kataga balse wax kaligiin aad latimaadeen kama shaqayn karo wadanka.

Sidaas darteed waxaan beesha kula talin lahaa inay xulashada dhaxalka ah qaataan sida loobadan yahay oo u doorataan Fiqi.

Galayr Fiqi Bashiir sidaasna ay kusocoto iskana daayaan shirweyne danbe in wax lagu doorto.
waxaadna kahelaysaan faa’iidooyin
badan oo ay kamid tahay,
in qoladii qabtay in saldanadu dhaxal ay tahay oo carada kumaqnaa soo laabtaan hadii aan dano kale jirin.

Waxaa kale oo idiin baaqanaya lacagtii kubixi jirtey shirweynaha oo faraha badnayd.

Gabagabadii

Waxaan idiin dardaamayaa cabsida Allaah iyo inaad isu kaalmaysataan wanaaga xumaantana iska reebtaan.
Allaah waxaan idiin weydiinayaa muwaafaqo iyo midnimo.
Wabilaahi towfiiq.

Abdinasir mohamud Mire