Maxaad ka taqaan Shiikh Aadan Sunni?

Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame “Sunne” oo dhawaan ay mas’uuliyiinta Somaliland ku dhawaaqeen inuu ka baxsaday magaalada Hargaysa oo uu degenaa ayaa wareysi siiyay BBC-da, isagoo ku sugan deegaannada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay maamulka Jamhuuriyadda iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay aniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timid carqalad xooggan oo ku wajahan howlsheyda, taasoo kaga timid nidaamka ka jira meesha,” ayuu yidhi.

Sheekh Aadan Suna ayaa BBC-da u sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

Hadda waxaan joogaa meel ka mid ah dalkeygii Soomaaliya, gaar ahaanna ku suntan qaybaha wilaayaadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaan dhex mushaaxayaa wilaayaadka 11-ka ah ee ay gacanta ku hayaan xaradaha Shabaab,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne.

Dhawaan ayay ahayd in Xukuumadda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaanida ee Somaliland ay shaaciyeen in sheekha caanka ah uu ka baxsaday Somaliland islamarkana uu aaday dhanka koonfurta Soomaaliya.

Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo BBC la hadlay ayaa xilligaas sheegay in wali ay wadaan baaritaanada la xiriira baxsashada sheekhan.

“Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay..wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe” ayuu yiri Cabdillaahi Xuseen.

Sheekh Aadan Sunne ma wuxuu doontay hogganaka al-Shabaab?
Waxaa la isla dhex marayay in sheekha uu deegananada al-shabaab maamulana u tagay si uu u qabto xilka madaxa al-shabaab.

Isaga qudhiisa ayaan weydiinnay isla su’aashaas. Inkastoo uu beeniyay jiritaanka wararkaas, haddana ma uusan gabi ahanaba meesha ka saarin inuu al-shabaab hogganaka u qaban karo.

“Arrintaasi waa male’awaal. Anigu cidna lama wadaagin eray noocaas oo kale ah, haddey dadku laabteyda waxa ka guuxaya male’awaalayaanna xaq uma laha, oo laabteyda waxa ku jira Alle oo kaliya ayaa og. Laakiin anigu waxana kuu sheegayaa wixii mas’uuliyad diimeed ah ee i qabsada ee laasim igu noqda anigoo diyaar u ah oo Alle ugu dhawaanaya haddana ma jecli madaxnimo,” ayuu yidhi.

Sheekh Aadan Sunne ayaa dhanka kale xaqiijiyay wararka sheegayay in uu dhammaan xubnaha qoyskiisa soo kaxeystay, ehelkiisa oo dhanna ay la joogaan meesha uu joogo.

BBC-da ayaa Sheekh Aadan Suune weydiisay halka uu soo maray marka uu kasoo cararay Somaliland, balse waxa uu u muuqday in uu ka gaabsanayay.

Horay ayaa Sheekhan marar kala duwan loogu xiray gudaha Somaliland, balse waxa uu hadda sheegay in uu ku kalsoonaan hannanaka garsoorka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Sheekhan ayaa lagu yaqaannaa in uu muxaadarooyinkiisa ku daro tixyo gabayo ah oo uu ku sheego qaybo ka mid ah hadalladiisa.