Indhaha Deni weli waa arki la’a yihiin Abaarta iyo darxumada Bulshada haysata

Lax dhukani Abaar moog!!

Deni Qasrigaas 10-ka Km ah ee Madaxtooyada Puntland aadkana uQuruxda badan lehna adeega sareeya oo xataa loogu daray Madaxweynaha dabaal iyo jimicsi,ayuu ku dhex nool yahay.

Halkaas,ayaa loogu geeyaa Canshuurta shacabka laga qaado oo maalinkii gaaraysa 300-kun oo dolar.

Canshuurtaas oo ay dheer tahay Lacagta kabida ee Mashaariicda,ayuu u isticmaalaa danihiisa siyaasadeed inteeda badan,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa doorashadii Xildhibaanada Fadaraalka.

Deni taa badalkeeda shacabka maqaamka ay maalgashteen uu ku helay haybadaas iyo dhaqaalahaas uma hayo wax abaal ah.

Ma tuso naxariis,dabacsanaan iyo dareen damqasho masuuliyadeed.

Abaar daran oo Dalkii iyo Dadkii aafaysay,ayaa taagan lagamana hayo wax gurmad ah Dowlada.

Waxaa la yaab leh in xataa uusan aqoon sumcad siyaasadeed ka raadso oo Dadka isku sawir.

Macnaha,waxuuba Dadka u arkaa in sidaa loola dhaqmo in ay tahay,markii la qiimeeyo dabeecadiisa ku dhisan isla weynida aan waaqiciga ahayn.

Deni Doorashadiisii waa laga naxay hogaamintiisana subax walba Dadka wal-wal ayay ku haysaa!!

Jibril Qoobey.