Madaxweyne Deni oo qorshaynaya in uu hoos udhigo awooda PSF

Deni,waxuu wadaa diyaarinta wax lagu sheegay Xeerar kala hagi doona Labada Hay’adood ee PSF iyo mida Ina Xaaji Khayr loo macmalay.

Ujeedka Xeerarkan waa in PSF laga dhigo mid maxaliya oo la micno ah Daraawiishta kaliya goobaha dagaal ka jirana ka hawlgasha.

Halka mida ina Xaaji Khayr la rabo in laga dhigo mid caalami ah oo dhamaan xiriirka dibada iyo sirdoonku ay hoos yimaadaan.

Waa dagaal kale oo uu kusoo qaadayo PSF,waxaana muuqata in uusan weli waantoobin ilaalinayna heshiiskii Bosaso Madaxweyne Deni.

Jibril Qoobey.