Maxaa looga celiyay Madaxtooyada PL ina King-kong iyo Odoyaasha kale

Habeenkii shaacinta musharaxnimadiisa,waxaa diiday in ay yimaadaan dhamaan Isimadii reer Puntland.

Hal Isin oo reer Puntland ah ma joogin waliba,iyagoo lagu casumay kuwo badan way ka baaqdeen.

Taasi waxay muujinaysaa sida Bulshada Puntland uga niyad jabeen hogaamintiisa.

Deni hiil iyo Miisaan ayay unoqon lahayd hadii lagu arki lahaa garbihiisa Isimadii reer Puntland.

Waxgaradka hoos Sawirkoodu idin kaga muuqdo,waxay ahaayeen kuwo loogu talagalay in ay buuxiyaan booskii dhaqanka,gaar ahaan Beesha Cismaan Maxamuud oo lagu casumay Xaflada,balse Irida Madaxtooyada laga celiyay.

Waxgaradkan la ilhaamaystay,waxay kala ahaayeen…

1.Axmed King-kong.

2.Nabadoonka Isxul .

3.Nabadoonka Muuse Suldaan iyo Odoyaal kale.

Isha,waxaa lagu hayay ku dhawaaqista Musharaxnimo ee Deni sida ay uga falcelin doonaan reer Puntland,taasoo natiijadu noqotay faashil.

Jibril Qoobey.