Warshadii Taangiyada ee Ruushka oo shaqadii joojisay iyo Ciidamada Ruushka oo sahaydu kusii yaraanayso

Milateriga Ukraine,ayaa ku warramaya in shirkadda soo saarta sidookalena dayactirta taangiyada Ruushka ay joojisay shaqadii.

Warshadan oo ku taal gobolka Chelyabinsk ee badhtamaha Ruushka, ayaa shaqada joojisay kaddib markii ay gabaabsi noqdeen qaybo ka mid ah qalabka dibadda laga keeno, sababo laxiriira cunaqabateynadda Ruushka lagu soo rogay.

Warshadan,ayaa ah midda kaliya ee soo saarta Tangiyadda Ruushka.

Sidoo kale Wasaaradda difaaca ee Ukraine,ayaa sheegtay in ciidamada Ruushku ay haystaan kaydad rasaas iyo cunto ah oo kufilan wax aan ka badnayn saddex maalmood”.

Ciidamada Ruushka,ayaa heysta sahay shidaal oo ku filan muddo saddex maalmood oo kaliya, waxaana jira Taangiyo badan oo hareer yaala wadooyinka Ukraine shidaal la’aan awgeed.