Faahfaahin weerarka Garoonka Diyaaradaha Aadan-cade

Booliiska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in rasaas ka socoto garoonka diyaaradaha ee Muqdishu kadib markii ay weerareen laba nin oo dablay ah.

Booliisku waxay sheegeen in labada nin ay isku dayen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhow garoonka dhinaca xerada Mariino.

Boolisku wuxuu sheegay in ciidanka ammaanku ay hor istaageen, mana aysan sheegin khasaaraha weerarkan.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegteen oo kale in maleehsiyaadkoodu ka dagaalamayeen gudaha garoonka ayna dab qabadsiiyeen meelo ka mid ah garoonka.

Sarkaal ka tirsan ddwladda Soomaaliya oo magacisia qariyey ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka gudbeen baraihii kontoroolka ayna gaareen goob ay ku yaallaan dukaamo ganacsi qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen.