Ruushka oo la qorshaynayo in laga saaro Wadamada G-20

Wakaaladda wararka ee Reuters iyadoo soo xiganaysa ilo-wareedka, ayaa sheegtay in Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ay ka fakarayaan, in Ruushka ay ka saaran wadamadda G20.

Wakaalladda Wararka ayaa sidoo kale sheegtay in Poland ay Salaasadii u soo jeedisay Saraakiisha Maraykanka inay Ruushka kasaaraan G20, waxayna sheegeen inay heleen “jawaab wanaagsan”.

G20 waxaa ku mideysan wadamadda dhaqaalaha ugu weyn adduunka ujeedadooda ugu weyna ay tahay in la isku dubbarido wax ka qabashada arrimaha saameeya dhaqaalaha adduunka, oo ay ku jiraan isbeddelka cimilada iyo horumarka.