Aamino oo Maydkeedii loosoo qaaday Magaalada Muqdisho

Marxuumad Aamina ayaa lala beegsaday qarax,waxaana sheegatay masuuliyada Qaraxaas ay ku geeriyootay Kooxda Al shabaab.

Marxuumadda,ayaa lagu aasi doonaa magaalada Muqdisho oo Maydkeeda loosoo qaaday.

Waa tumaa xildhibaan Aamino?

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo waxbarshadeedii dugsiga hoose, dhexe, sare ilaa heer jaamacdeed ay ku so qaadatay.

Waxaa ay shahaadada culuumta ganacsiga ay sanaddii 2010-kii ka qaadatay jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ay sidoo kale isla jaamacadda ka sameysay shahaadada Mastarka.

Marxuumadda ayaa waxaa ay siyaasadda ku soo biirtay sanaddii 2012 markaasi oo xildhibaan loo doortay.

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa mar kale sanaddii 2016 loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.

Intii ay baarlamaanka ku jirtay waxay ka mid ahayd xildhibanada dumarka baarlamaanka ugu firfircoon.

Waxaa ay ka mid ahayd intii baarlamaanka ku jirtay xubnaha guddiga baarlamanka ee arrimaha bulshada.

Xildhibaan Aamino Maxamed ayaa ka hor inta aysan siyaasaddda ku soo biirin waxay ahayd maclimad wax ka dhigta iskuulada magaalada Muqdisho.

Sida ay ku sheegtay wareysi uu la yeeshay mid ka mid ah telefishinada maxaliga ah waxaa ay sidoo kale mar ahayd maclimad dhigta dugsi quraan.

“Inta aanan noqon macllinka iskuulka, macalin dugsi ayaan ahaa, ayay tiri mar ay wax laga waydiiyay taariikhdeeda.”

Marxuumad Aaamino ayaa sheegtay in xilligii ay macallin dugsiga ahayd sanadihii 1992 ilaa 194 magaalada Muqdisho amaankeedu ahaa mid aad u xun islamarkaana ay caqabado badan la kulmi jirtay.

“Macalin aad u ad-adag ayaan ahaa, waxyaabaha aan ka xusuusto waxaa ka mid ah, waqtigaas la joogay in macalin ad-adkaado waad dareemi kartaa oo qori la haysto oo qofka aad wax u dhigayso laga yaabo in uu walaalkii bananka taagan yahay isbaaro dhiganayo,,” ayay inta ku dartay.

Allah ha u naxriistee xildhibaanad aamino ayaa sidoo kale sheegtay in intii ay macllimadda ahayd islamarkaana ay Muqdisho amni darrada ka jirtay ay la kulantay dhacdooyin badan oo ka yaabiyay.

“Waxaan xusuustaa oo mararka qaarkood aan la yaabaa, xaafadda aan daganaa ee aan macallinka dugsiga ka ahaa ilmaha qaar meelo dhaadheer ayay mararka qaar uga yimaadan, ardeyda qaar ka mid ah ayay qoyskooda waxay ahaayeen kuwa awood meesha ku leh oo hub haysta, hooyadey iyo islaamo kale ayaa meel aadaya , islamaaha kale isbaaro ayaa loo dhigtaa laakiin aniga hooyadey isbaaro looma dhigan jirin oo waxaa la dhahaa macllin Aamino hooyadeed waaye,,” ayay tiri.