Puntland iyo Midowga Yurub oo iska kaashanaya dhismaha Wadada Galkacyo-Garowe

Wefti ka socda Midowga Yurub,ayaa Maanta booqday dhismaha Wadada isku xirta Garowe ilaa Gaalkacyo.

Weftiga,waxaa weheliyay masuuliyiin ka mid ah Wasiirada Puntland sida Qorshaynta iyo Hawlaha Guud.

Wadadan oo ay maalgelisay dhismaheeda Midowga Yurub,ayaa dhererkeedu gaaraya ku dhawaad 80-km.

Ilaa iyo hada,waxaa la dhamaystiray 40-km oo ah Burtinle ilaa Xarfo.

Qaybta harsan ee Wadada oo ah Burtinle ilaa Jalam,ayaa iyadana gacanta lagu hayaa dhismaheeda.

Wadadan oo horay ufadhilantay xiligii Dowladii Gaas ayaa hada umuuqata in ay dib udhaqaaqday oo Dowlads Deni qarka usaaran tahay in ay dhamaystirto,iyadoo kaashanaysa Midowga Yurub.