Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo lagu wareejinayo Ganacsade Itoobiyaan ah

Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo,waxaa lagu wareejinayaa Shirkad uu leeyahay Nin Ganacsade Itoobiyaan ah.

Ninkaas,ayaa Qaadka keena Somaliya,gaar ahaan Puntland,waxaana loo saxiixayaa maamulida garoonka 20-sano.

Ninkan,ayaa sheegaya in uu dhisayo garoonka oo casriyaynayo,waxaana horay looga qaaday Lacag yar oo lagu sheegay dayactir Run-wayga ah.

Saxiixa heshiiskan,waxaa Adis-ababa u Aaday Wasiir Lugatoor iyo Agaasime Xoosh.

Sadex Milyan oo Dolar ayay Dowlada Puntland ka heli doontaa Ninkaas Ganacsada ah marka heshiiska lakala saxiixdo.

Deni,ayaa aad udanaynaya dhaqaalahaas yar in uu helo si uu ugu adeegsado hankiisa Doorashada Madaxweynaha Fadaraalka.

Deni,waxuu Garoonka Bosaso usaxiixay Imaaraadka mudo 30-sano ah,isagoo ku qaatay dhaqaale 10-Milyan dolar ah.

Jibril Qoobey.