Madaxtooyada Puntland oo ku fashilantay in ay hor istaagto….

Siyaasiyiintii Caawa ka hadashay kulankii Bulshada waxay diideen xalay in ay ka qaybgalaan Xafladii loo qabtay Deni.

Madaxtooyada,ayaa rabtay in ay marsato oo muujiso in Shacab iyo Siyaasiyiinba lawada taageersan yahay hanka Madaxweyne Deni ee Xamar.

Balse siyaasiyiintan,ayaa fahamsanaa oo diiday ka qaybgalka xafladaas.

Madaxtooyada oo ogayd in siyaasiyiintu diyaarsadeen madal ay aragtidooda kusoo bandhigi doonaan,ayaa isla xalayba Qado ku casuntay.

Siyaasiyiintu waa ku kala qaybsameen ka qaybgalka Qadada Madaxtooyada,balse waxay isla qaateen in aysan ka baaqan Madashoodii oo ay kusoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan Musharaxnimada Deni.

Madaxtooyadu waxay isku dayday in ay si dadban u hor istaagto Madasha caawa qabsoontay umase suuroobin.

Fariimihii siyaasiyiintu waa gudbeen,Qadadiina waa lala soo cunay Madaxtooyada.

Jibril Qoobey.