Madaxweyne Deni oo qaabilay Siyaasiyiin reer Puntland ah

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada Puntland ee xilligan ku sugan Garoowe.

Kulankan oo ah is-xogwareysi iyo wadatashi ayaa Madaxweynuhu la yeeshay Siyaasiyiin isugu jira kuwo xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, falanqeeyayaal siyaasadeed iyo xubno arrimaha Bulshada ka shaqeeya.