Maraykanka oo digniin xoog badan udiray Ruushka hadii…

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jiri doonto jawaab ay bixin doonaan reer Galbeedku, haddii Ruushku uu hub kiimiko ah u adeegsado Ukraine.

Madaxweyne Biden ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay xarunta Isbaheysiga NATO ee magaalada Brusseles ee dalka Belgium oo uu booqasho ku joogo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Ruushka laga saari doono xubinnimada ururka dalalka ku horumaray dhaqaalaha ee loo yaqaan G20, iyada oo Ukraine lasoo gelin doono booska Ruushka.

Sidoo kale madaxweyne Biden ayaa ballan qaaday in Mareykanku uu qaadan doono qaxooti gaaraya 100,000 oo ka mid ah dadka ka qaxay Ukraine, isaga oo u duulay dalka Poland, si uu u soo qiimeeyo xaaladda qaxootiga Ukraine ee halkaasi gaaray.

Ruushka ayaanan wali guul muuqata ka gaarin duullaanka uu ku qaaday Ukraine, oo hadda galay bishiisii labaad.