Muxuu ahaa Ujeedka Deni ka lahaa la kulankii siyaasiyiinta Ee Madaxtooyada?

Kulankii Maanta uu la yeeshay Siyaasiyiinta reer Puntland qaarkood Madaxweyne Deni,waxuu ahaa istus saxaafadeed.

Maadaama uu xalay ka baaqday Xafladii loo qabtay,ayuu ugu talagalay in uu Bulshada ku mashquuliyo Maanta.

Hadafka kale ee uu ka lahaa kulankan,ayaa ahaa muujinta in uu la kulmi karo Siyaasiyiin aan Aaran-jaan ahayn ama ku ah Mucaarad.

Waxaa laysku raacsan yahay in uusan taladooda tixgelinayn uguna yeeran talo ka qaadasho ee kaliya ay ka ahayd dhoolatus Bulsho iyo in Saxaafadu wad-wado maalmahan.

Deni loogama baran garowshiyo,khalad qaadasho iyo in la sixi karo.

Jibril Qoobey.