Tigreega oo shardi ku xiray aqbalida Xabad joojinta Abiy ku dhawaaqay

Dowladda Itoobiya,ayaa ku dhawaaqday Xabbad joojin bini’aadantinimo ka dib 16-bilood oo ay dagaal ay kula jirtay Ciidamada ka soo jeeda Waqooyiga Gobolka Tigray.

Dagaalka sokeeye ayaa sababay in in ka badan shan milyan oo qof ay u baahdaan cunto gargaar ah, ilaa haatan ma jirto wax cunto ah oo la gaari siiyay Tigrayga tan iyo bartamihii bishii December.

Warkan,ayaa daba socda booqasho uu dalka Itoobiya ku tagay ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika David Satterfield.

Ciidamada Tigreega,ayaan wali wax jawaab ah ka bixin talaabada ay qaadday dowlada.

Balse waxaa jira warar sheegaya in kooxda TPLF aysan taasi ilaalin doonin ilaa loo aqoonsado maamulka sharciga ah ee Tigray.