77-da Xildhibaan oo Koonfur Galbeed lagu doortay oo shahaadooyinkooda la guddoonsiiyey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dhammaan la kulmay Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdiasiis Xasan Maxamed (Laftgareen), madax ka socotay Gudigga doorashada Heer Fadaraal iyo midka Dowlad Gobaleedka ayaa kasoo qeyb galay munaasabada Shahaadooyinka lagu siinayaa xildhibaanada.

69 Xildhibaan oo Golaha shacabka ah iyo 8 Senator oo aqalka hoose ah ayaa shahaadooyinkooda uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed mid mid u gudoonsiiyey.

Arrintan,ayaa ku soo adeeysa xilli Guddiga Doorashooyinka heer federaal ay sheegeen in xildhibaanadda labada gole ay shahaadooyinkooda u soo doontaan Muqdisho ,iyagana ay sameyn doonaan Shahaada siinta.