Cumar Cabdirashiid oo ku qanciyay Axmed Madoobe dhisida Sh.Shariif

Cumar Cabdirashiid,waxuu ku qanciyay Axmed Madoobe in uu lasoo saaro Sh.Shariif sida ay ii sheegeen ilo wargal ah.

Axmed Madoobe si gaar ah,waxaa Xeer ugu leh Cumar Cabdirashiid oo Axmed laftigiisu u aqoonsan yahay Mulkiilaha JL.

Cumar waa Ninkii Axmed ku xiray KDF iyo Sirdoonka.

Sidoo kale ,waa Ninkii Axmed ku xiray inta badan Safaaradaha reer Galbeedka.

Sida wararku sheegayaan Cumar iyo Axmed waxay isla fahmeen in danta JL iyo mida guud ahaan Somaliyed ay ku jirto Sh.Shariif oo la dhiso.

Dhanka kale Xildhibaanada ugu saamaynta badan kuwa kasoo baxay JL,ayaa habeenadii ugu danbeeyay kala ag fadhiyay Khayre,Xasan Culusow iyo Sh.Shariif.

Markii laga soo tago taageerada PL ee ku salaysan dhalashada iyo soo celinta Qaranimada Dalka ee JL,xeer gaar ah Deni kuma laha Axmed Madoobe,ayay Dad badan ay qabaan.

Jibril Qoobey.