Garowe oo ay dhici karto in dagaal ka qarxo!!

Dagaalkaas,waxuu udhaxeeyaa Aaran-jaan oo adeegsanaya Ciidanka Ina Xaaji Khayr iyo Beesha Idiris Ugaar oo difaacanaysa Xaflada shaacinta Beeldaajahooda.

Aaran-jaan oo adeegsanaya Gudoomiye ku xigeenka 2-aad G.Nugaal oo udhashay Beesha Cumar Maxamuud,ayaa shalay Warqad lagu baajinayo Xaflada soo saaray.

Berina waxay damacsan yihiin in ay adeegsadaan Ina Xaaji Khayr Ciidankiisa oo Cismaan Maxamuud ah.

Arinkaas,waxaa ka dhalan kara isku dhac Beelaha Cumar Maxamuud,Cismaan iyo Ciise Maxamuud oo aaran ka danbeeyo.

Labada Beelood ee Cismaan iyo Cumar waa in ay la hadlaan Ina Xaaji Khayr iyo Gudoomiye xigeenka 2-aad Nugaal ee la adeegsanayo.

Aaran si toos ah uguma bareeri karaan Beesha Idiris Ugaar.

Jibril Qoobey.