AMISOM iyo UNSOM Oo ka hor istaagay Deni in uu…

Beesha Caalamka,ayaa ka hortimid in Saciid Deni soo dego hotel Airport oo ku dhexyaala gudaha Xalane.

Sababta,ayaa la xiriirta Deni oo sheegay in uu la imaanayo Ciidan gaaraya 300-Askari, 21 Cabdi Bile iyo 5 Baabuur oo Bullet Proof ah.

Ciidanka AMISOM iyo UNSOM,ayaa u arka in aysan suurto gal ahayn Ciidaankaas faraha badan in la dhex keeno Ciidamada AMISOM.

Saraakiisha amniga ee Dowladda Federaalka,ayaa dhinacooda ka soo horjeeda keenista Ciidan intaas le’eg oo laga yaabo in isku dhac ka yimaado.

Dhinaca kale, Saraakiisha iyo Siyaasiyiinta reer Puntland,ayaa wel wel ka muujiyay dhibaatada ay keeni karto in Deni Xamar la’aado Ciidamadii, Dhaqaalihii iyo Goleyaashii Dowladda.

Deni oo rajadiisa Madaxweyne ay ka hooseyso boqolkiiba labaatan (20%) ayaa u muuqda in uu qaatay go’aan qar iska xoor ah.

Jibril Qoobey.