Wasiirkii Gaashaandhiga Ruushka oo wadna Xanuun ka qaaday guuldarada Ukrain

Anton Gerashchenko, oo ah la taliyaha wasiirka arrimaha gudaha ee Ukraine, ayaa sheegaya in wasiirka difaaca ee Ruushka uu wadno xanuun soo wajahay.

Sergei Shoigu oo ah wasiirka difaaca ee Ruushka , lama arag 11-kii Maarso, ilaa Khamiistii 24-kii Maarso, markaasi oo uu si kooban uga soo muuqday muuqaal uu Putin sii daayay.

“Shoigu wadne xanuunka waxa uu ku dhacay ka dib eedayn adag oo uu Putin u soo jeediyay in oo ah in uu gabi ahaanba ku guul daraystay duulaankii Ukraine,” ayuu Gerashchenko ku soo qoray Facebook-giisa, isaga oo intaa ku daray in uu haatan “ wasiirka baxnaanin kujiro.

Majirto wax war ah oo Kremlinka ka soo baxay oo la xiriira caafimaadka wasiirka difaaca ee Ruushka.