Wararkii ugu danbeeyay Weerarkii Shabaab Ee fadhiga Af-urur

Weerarkii Alshabaab ay kusoo qaadeen Fadhiga Ciidamada Difaaca Puntland ee Af-urur xalay saqdhexe si fiican,ayaa loogu xasuuqay argagixisada.

Khasaare,ayaa la gaar siiyay argagixisada iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana looga dilay dagaalkaas 10-Maleeshiyadooda ah.

Dhanka Ciidanka,waxaa khasaare kasoo gaaray Baabuur Miino kala qaraxday.

Sidoo kale,waxaa jira Baabuur Shacab oo Miino haleeshay.

Buuraha fog,ayuu dagaalku kasii socdaa oo ay Ciidamada Puntland kasii wadaan sifayn haraadigii argagixisada.

Jibril Qoobey.