Booliska Buuhoodle Oo Qalab la gaarsiiyay

Hogaanka Ciidanka Booliska DPL G/dhexe Cabdi Fataax Cabdi Qaadir Axmed,ayaa Qalab isgaarsiin iyo agabyo kala duwan oo loogu talagalay Booliiska Gobalka Cayn gaar ahaan Degmada Buuhoodle ku wareejiyay Xilibaan Axmed Xariir oo ka tirsan Baarlamanka DPL kaas oo loo wakiishay gaarsiiyay qalabka Gobolkaas.

Qalabkan,ayaa ka caawinaya Booliiska in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa waxkasta lidi ku ah amniga Shacabka Soomaaliyeed ee Gobalka Cayn.