Maxay lumin doobtaa Somaliya hadaysan Doorasho ka dhicin ugu danbayn May?

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF,ayaa horay dhowr jeer u sheegtay in ay joojin doonto lacagaha ay siiso Ciidamada dowladda Fadaraalka Somaliya hadii Bisha May aysan ka dhicin Soomaaliya doorasho.

Hadaba Danjire André iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson,ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Somaliya.

“Danjire André iyo madaxa Bangiga Adduunka Kristina Svensson,ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, Haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan Dowlad loo dhisin, Taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah ee joogtada ah iyo deyn cafinta ayaa halis ku jira” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka ee Safaaradda Mareykanka.