Muxuu ka yiri Erdogan wada xaajoodka Ruushka iyo Ukrain?

Turkish President Tayyip Erdogan speaks during a symposium in Ankara, Turkey, January 2, 2020. Murat Cetinmuhurdar/Presidential Press Office/Handout via REUTERS ATTENTION EDITORS - THIS PICTURE WAS PROVIDED BY A THIRD PARTY. NO RESALES. NO ARCHIVE - RC2Q7E9YQZE4

Wafuud ka kala socota Ruushka iyo Ukrain ayaa gaaray magaalada Istanbul ee dalka Turkiga wadahadaladii u horeeyay muddo todobaadyo ah.

Ukraine ayaa sheegtay in muhiimaddeeda ay tahay in laga wada xaajoodo xabbad joojin, balse Maraykanka iyo Ukraine ayaa sidoo kale shaki ka muujiyay damaca Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ka dalbaday dalalka quwadaha adduunka in ay adkeeyaan cunaqabateynta saaran Ruushka, oo ay ku jirto cunaqabateynta shidaalka.

Dhanka kale madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Ukraine Zelensky iyo Putin-ka Ruushka ay yihiin “saaxiibo qiimo leh”, isaga oo saaka ka hadlay wada-hadallada Istanbul lagu qabanayo ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.

Waxa uu sheegay in horumarka laga gaaray wadahadallada uu u gogol xaarayo in madaxda ay kulmaan – Turkigana uu martigelin karo.

Waxa uu sidoo kale u sheegay kooxaha Ruushka iyo Ukraine in labada dhinacba ay qabaan “walaac sharci ah” laakiin waxaan gaarnay waqti ay wadahadaladu u baahan yihiin inay keenaan “natiijooyin la taaban karo”.

Dhanka kale dhawaqa duqeymaha Ruushku ka gaysanayo Ukrine ayaa laga maqlayaa saaka qaar ka tirsan magaalooyinka Ukrine iyadoo ciidamadu Ruushku xireen dariiqyada laga baxo magaalooyinkaas.