W.Arimaha Dibada oo sheegtay in Ardaydii ku xanibnayd Ukrain lasii daayay

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,ayaa Isniinti shalay aheyd sheegtay in lasii daayay ilaa 348 -Arday oo Soomaali ah oo ku go’doonsanaa dalka Ukraine.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ardaydan ay barakac ku ahaayeen gudaha Ukraine iyo xuduudahiisa, iyadoo ay ku jireen qaar aanan heysan warqadaha aqoonsiga.

Warbixinta ayaa lagu sheegay, in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ay fududeysay in ilaa 65 arday Soomaali ah oo ka qaxay Ukraine lagu meeleeyay jaamacadaha dalka Hungary, halkaas oo ay kasii wada doonaan waxbarashadooda heerka sare.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Fadaraalka Somaliya ayaa ku boorrisay dhammaan ardaydi Soomaaliyeed ee ka qaxay Ukraine, balse hadda doonaya in ay meel ka baxsan Ukraine ku dhameystaan tacliintooda, ay lasoo xiriiraan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Jaamacadaha dalka ay colaaduhu ka socdaan ee Ukraine ayaa waxaa wax ku baranayay boqollaal arday Soomaali ah, kuwaas oo hadda u qaxay dalalka deriska la ah Ukraine ee Yurub.

Ardayda Soomaalida ayaa isugu jiray kuwo baranayay heerarka jaamacadda ee 1-aad, heerka labaad ee Master-ka iyo PhD.

Dalka Ukraine ayaa ku jira xaalad dagaal kaddib marki uu dhamaadki bishi Febraayo uu duullaan millatari ku qaaday waddanka deriska la ah ee Raashiya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalka Ukraine ay ku dhinteen in ka badan 2,500 oo rayid ah. Sidoo kale kumannaan ka mid ah dhinacyada dagaallamaya ayaa la sheegay in ay ku dhinteen dagaalka.