Maxay kawada hadleen Rooble iyo M.xigeenka Galmudug?

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa maanta qaabilay Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Arimaha ay kawada hadleen,ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin…

  1. Amniga Galmudug,

2.La dagaallanka argagixisada.

3.Dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta bulshada Galmudug.

Marka laga soo tago warka lagu shaaciyay Page-ka Xaafiiska Ra’isalwasaaraha,waxaa jira khilaaf xoog leh oo dhexyaal Qoor-qoor iyo Cali Ciid.

Khilaafka Labada masuul,ayaa la sheegayaa in uu ku salaysan yahay Doorashadii Xildhibaanada.

Bishii ugu danbaysay,waxay xogo hoose sheegayaan in Qoor-qoor ka jaray Adeegii Xaafiiska M.xigeenka.

Sidoo kalena Xalay,ayuu dib umagacaabay Wasiirkii Arimaha Gudaha Waayeel oo Cali Ciid horay xilka uga qaaday.

Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Dhuusamareeb,waxay tilmaamayaan in uu jiro Mooshin ka dhan ah Qoor-qoor oo la abaabulayo.

Lama cadayn karo in kulanka Rooble iyo Cali Ciid xaalada dajinteeda qayb ka yahay iyo in kale.

Jibril Qoobey.