Putin ma waxuu soo celiyay Awooddii Milateri Ee Ruushka?

Dhanka hubka wax gumaada ee nukliyeerka, Ruushka ayaa kaalinta koobaad uga jira caalamka, waxaana uu haystaa hub ka badan kan Maraykanka.

Marka la eego dhinaca ciidamada cirka, Ruushka ayaa kaalinta labaad uga jira caalamka, waxaana ka sarreeya Maraykanka. Tobankii sano ee la soo dhaafay, Ruushka ayaa kordhiyay awooddiisa ciidamada cirka, waxaana uu ku biiriyay in ka badan kun diyaaradaha dagaalka ah, oo ay kamid yihiin nooca casriga ah ee SU-35, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas.

Awoodda badda marka la eego, Ruushka ayaa leh ciidamada iyo maraakiibta dagaalka ee caalamka ugu awoodda badan marka laga reebo Maraykanka. Waxaa cududaas kamid ah maraakiibta quusta ee ku hubaysan gantaallada ballistic-ga loo yaqaan.

Ciidanka dhulka ee Ruushka ayaa la sheegay inay ka badan yihiin saddex milyan oo askari, kuwaas oo ku hubaysan dabaabado casri ah, gaar ahaan nooxa T-72B3.

Vladimir Putin ayaa lagu ammaanay inuu xoogga saaray dhismaha ciidan si weyn u tababaran, si wanaagsan loo daryeelo, isla markaana hab dhaqan wanaagsan.

Wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa dhawaan sheegay in ciidamada dalkiisa, gaar ahaan kuwa cirka iyo badda ay khibrad badan ka heleen dagaalka Suuriya.

Dhammaan ragga da’doodu u dhexayso 18 ilaa 27 jir ee Ruushka u dhashay ayaa waxaa waajib ku ah inay muddo kooban kamid noqdaan ciidamada dalkaas.

Hase yeeshee, dedaalka Putin ayaa waxaa yareeyay dhaqaalo xumida haysata dalkiisa, waxaana dhaqaalaha ku baxa ciidamadiisa uu yahay kan afaraad ee ugu badan caalamka. Dalalka Maraykanka, Shiinaha iyo Hindiya ayaa ku jira kaalmaha koobaad, labaad iyo saddexaad.