Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta Deni sameeyay?

Wasaaradihii muhiimka ahaa ee ay ahayd in la dul istaago dhankooda ma eegin 3-sano kadib Madaxweyne Deni.

1.Wasaarada Arimaha Gudaha.
2.Wasaarada Amniga.
3.Wasaarada Maaliyada.
4.Wasaarada Caafimaadka.
5.Wasaarada Waxbarashada.

Sidoo kale laamihii amaanka oo ubaahnaa dul istaag ma taaban sida..

1.Taliska Daraawiishta.
2.Taliska Sirdoonka.
3.Taraafikada liidata
4.Abuurid Talis Dabdamis.

Isbadalka uu sameeyay Deni,waa mid ku salaysan qancinta Dadkii Doorashada Xildhibaanada ay isku seegeen ama ugu hiiliyay.

Ma ahayn isbadalka dhacay mid ku yimid isaga aragtidiisa ama ku jaan go’an qorshe Xukuumadeed.

In Maanta uu hogaamiyo Puntland-ta guunka ah Siyaasi awoodiisa hogaamineed ay sidaa tahay waa niyad jab.

Jibril Qoobey.