Turkiga oo baabi’iyay Dacwadii Wariye Khaashuqji

Dacwad-ooge Turkish ah ayaa maanta weydiistay maxkamadda Istanbul inay baabi’iso kiiska dilka Jamaal Khaashuqji kuna wareejiso Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas xaqiijisay gacalisadii weriyaha la dilay.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo Turkey ay isku dayeyso inay hagaajiso xiriirka Sacuudi Carabiya ee xumaaday 2018 kadib markii Khaashuqji oo ahaa suxufi wax ku qora Washington Post lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Isnatbul.

“Dacwad-oogaha wuxuu weydiistay, sida waafaqsan dalabka Sacuudiga, in faylasha kiiska lagu wareejiyo Sacuudi Carabiya lagana soo geba-gebeeyo Turkey,” ayey Hatice Cengiz ku qortay twitter kadib dhageysi maanta ka dhacay Maxkamadda ugu weyn Istanbul.

“Maxkamadda ayaa eegi doonta aragtida Wasaaradda Cadaaladda Turkey, #Khashoggi #JusticeForJamal,” ayey tweet gareysay.

Dacwad-oogista ayaa sheegtay, sida ay ku warantay wakalaadda wararka DHA, in kiiska “uu jiitamayo sababtoo ah amarada maxkamadda lama fulin karo sababo la xiriira in eedeysanayaasha ay yihiin ajaaniib.”

Bishii October 2, 2018, Khaashuqji oo ahaa 59 jir ayaa galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul si uu uga soo helo warqado uu ugu baahnaa inuu mehersado gacalasadiisa Reer Turkey.

Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan iyo Turkish ah, waxaa qunsuliyadda ku sugayey koox dilayaal Sacuudiyaan ah kuwaas oo dilay kadibna jarjaray meydkiisa, oo aan dib loo arag.

Dilkan ayaa dhaliyey caro caalami ah, ayada oo hay’adaha sirdoonka Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman inuu amray dilka.

Dhaxal-sugaha ayaa sheegay inuu aqbalayo mas’uuliyadda Sacuudiga ee dilkan balse wuxuu beeniyey inuu wax xiriir shaqsi ah la lahaa, ayada oo boqortooyada ay sheegtay inay fuliyeen shaqsiyaad fallaagoobay.

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa xilligaas sheegay in amarka lagu dilay “uu ka yimid xubnaha ugu sarreeya” dowladda Sacuudiga, isaga oo aan far fiiqin dhaxal-sugaha.

Turkey, oo kasoo kabaneysa xasarad dhaqaale islamarkaana raadineysa maal-gashi caalami ah iyo ganacsi, ayaa xiriir la sameysay dalalka gobolka ee ay xifaaltamaan oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Imaraaadka Carabta.

Erdogan ayaa bishii Janaayo sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo Riyadh — taasi oo imaneysa waqti xasaasi u ah Turkey, halkaasi oo sicir-bararka uu gaaray 50 boqolkiiba.

Dhageysiga labaad ee kiiska ayaa waxay maxkamadda qorsheysay 7-da April.

AFP