Gudiga Doorashooyinka oo shaaciyay in beri ay bilaabanayso Shahaado bixinta Xildhibaanada

Wargelin muhiim ah:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) wuxuu ku wargelinayaa in Xildhibaanada jooga Muqdisho ay billaabanayso Barri Subax bixinta shahaadada Xildhibaannimo. Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa inay yimaaddaan Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel Saacaddu markay tahay 8:00AM (Aroornimo), Taariikhda: 02/04/2022.

Sidoo kale Xildhibaanada Gobollada iyo Dalka Dibeddiisa ku maqan waxaan ku wargelinaynaa inay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo hirgeliyo Jadwalka Dhammeystirka Doorashada ee GHDHF ay soo saartay.

-Dhammaad-