Madaxweyne Ku-xigeenka oo Shacab weynaha Puntland ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan

RAMADAAN WANAAGSAN.

Ku-simana Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shacab weynaha Puntland ugu hambalyeeyay bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

“Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Hambalyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba gaar ahaan Shacabka reer Puntland Alle weyne Subxaanahu Watacaalaa ayay mahadi u sugnaatay nabad iyo Caafimaad inagu soo gaadhsiiyey bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan, Ebbe ha unaxariisto intii aan wakhtigu ku simin inta xanuunsana ha caafiyo.

Walaalayaal bishani waxay kusoo beegantay xili Abaaro ay ka jiraan deegaano badan oo ka mida dhulka Soomaalida sidaas darteed waxaa la inooga baahan yahay in aynu caawino walaalaheena danyarta ah ee aan haysan waxay ku soomaan.

Ciidamada dowladda Puntland Qayba-hooda kala duwan waxaan farayaa inay sii laba jibaaraan hawlgalda lagu xaqiijinayo Amniga guud feejignaan gaar ahna ay muujiyaan inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, Shacabweynaha Puntland waxaan ugu baaqayaa inay is garabsadaan lana shaqeeyaan Ciidamada Amniga sugaya.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.