Madaxweyne Deni oo sameeyay xilka qaadis Dastuurka baalmarsan

Wareegtooyinka xilka qaadista iyo xil magacaabista ee uu Deni sameeyay kuna astaysan 1-da Bishan waa sharcidaro baalmarsan Dastuurka.

Laba Qodob ayay Sharcidaro ku yihiin Wareegtooyinka Madaxweyne Deni kaga qaaday xilka Talyaha Qaybta Karkaar kuna magacaabay hogaanka ilaalada Canshuuraha iyo xoghayaha Rugta Ganacsiga.

1.Dalka,ayuu ka maqan yahay oo waxuu baxay shalay Subax.

2.Maanta oo 1-da Bisha ah waa fasax Jimcaad sharciyana majiro Xaafiis Dowladeed oo furan.

Dadka falanqeeya siyaasada,ayaa qaba in wareegtooyinkan ay Mashkax lagu tijaabinayo M.xigeenka oo Dastuuriyan isagu hada ah Madaxweyne buuxa.

Ilaa iyo hada Axmed Karaash kama hadlin lamana oga sababta uu uga aamusan yahay.

Jibril Qoobey.