Maxay kala yihiin Afarta Guuldaro Ee ku dhacday Dowlada Uhuru?

Guul darro aad u wayn ayaa ku dhacday Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaddib markii ay Garsooreyaasha Maxkamadda ugu sarreysa dalka hor istaageen qorshe ay Dowladdu wadatay oo aasaasi u ahaa isbaddal la damacsanaa in lagu sameeyo dastuurka.

Garsooreyaasha xukunka kama dambeysta ah ku dhawaaqay,ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu si aan sharciga waafaqsanayn ugu howlanaa isbaddalka, oo loo yaqaanno Mashruuca Dhismaha Buundooyinka (BBI).

Waxay Garyaqaannada Maxkamaddu sheegeen in mashruucan loo baahnaa in ay hoggaamiyaan shacabka balse aan loo baahneyn inuu horkaco madaxweynaha xilka haya.

Guul darradan,ayaa timid xilli aad muhiim ugu ah dowladda oo ay soo socdaan doorashooyinka guud ee bisha August.

Tani waxay noqonaysaa guul darradii afaraad ee ku dhacday xukuumadda Kenya iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Sanadkii lasoo dhaafay, dhowr bilood gudahood ayay dowladda ku dhaceen saddex guul darro oo ay ku jirtay tii ku saabsanayd dacwadda muranka badda ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Dacwadda Badda”

Kiiska ku saabsanaa muranka xadka badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya ayay 12-kii bishan October go’aan kasoo saareen garsooreyaasha maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, ICJ.

Kenya ayaa ku gacan seyrtay xukunka maxkamadda oo aaggii lagu muransanaa badankiis u sharciyeysay dhinaca Soomaaliya.

Ka hor inta uusan go’aanka ugu dambeeya soo bixin ayay dowladda Kenyatta shegetay in aysan aqoonsan doonin natiijada, iyadoo dooneysay in kiiska dib loogu dhigo, balse maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas.

Diiwaangelinta shacabka Kenya”

Kiiska labaad ee isla toddobaadkan gudihiisa ay dowladda Kenya caqabadda kala kulantay waxa uu ahaa mid maxalli ah oo la xiriira mashruuc weyn oo ay dowladda ku howlaneyd.

Mashruucaas oo sannado badan laga war dhowrayay ayaa waxba kama jiraan laga soo qaaday kaddib markii amar ka soo baxay maxkamadda sare lagu diiday in lasii wado.

Sida uu tabiyay wargeyska Standard, xukunka maxkamadda sare ee Kenya waxaa lagu sheegay in mashruucaas oo ku aaddanaa diiwaangalinta dadweynaha uu ka hor yimid xeerka keydinta xogta rayidka.

Mashruuca ay maxkamaddu sharci darrada ku tilmaantay ayay dowladda ku kharash gareysay lacag gaareysay 10 bilyan oo shilin oo u dhigantay in ka badan $90 milyan oo dolar.

Mashruuca BBI”

Kani waxa uu ahaa mashruuc siyaasadeed oo horseedi karay in isbaddal weyn lagu sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Kenya iyo dastuurka.

Maamulka waddanka Kenya ayaa u ololeynayay in wax laga baddalo dastuurkii la ansixiyay 2010-kii, si dowladda loogu yeelo waji kale.

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah shacabka gobollada ayaa ka soo horjeestay mashruucan, balse waxa uu u muuqday mid dadaal badan lagu bixinayay.