Siyaasiyiin iyo Waxgarad kasoo jeeda Puntland oo ugu baaqay Deni in uu iscasilo

“Deni oo loogu baaqay in uu iscasilo”

Xildhibaano,Siyaasiyiin iyo waxgarad reer Puntland ah oo ku sugan Nayrobi,ayaa soo saaray Baaqku aadan xaalada Puntland.

Baaqa,ayay ku sheegeen in Puntland ay marayso meel halis ah,maamulka talada gacanta ku hayana uu dhaxalsiiyay..

B.Colaad sokeeye
T.Dhaqan burbur.
J.Maamul xumo.

Baaqa,ayaa uqirnaa sida tan…

1.Isimada Puntland in ay shir guud isugu yimaadaan kaasoo lagu xallinayo..

B.Wixii ay khaldeen maamulka talada haya, laguna soo celinayo kalsoonidii beelaha walaalaha ah ee Puntland wada dhistay.

T.Lagaga wada hadlo inaanay dowladnimadu ahayn wax laysku dulmiyo ama lagu kala aar goosto, laguna soo saaro fikir wadajir ah oo dib loogu hagaajinayo Puntland si aanay hoos uga sii aadin halka maamulka talada haya gaarsiiyey.

2.Goluhu wuxuu kaloo baaq u jeedinayaa siyaasiyiinta iyo indheer garadka PL.

B. In PL aanay noqon meel dano gaara lagu fushado, ama laga dhigto jaranjaro si khaldan loogu gaaro xafiisyada ugu sareeya dalka, Iyadoo aan wax dan ah laga lahayn jiridaanka iyo horumarka PL.

T.Sidoo kale in PL oo tusaale muuqda u ahayd Dowladnimada Somaliya in loo tuso Soomalida inay cadow u tahay.

3..Goluhu wuxuu kaloo baaq u jeedinayaa Madaxweynaha Puntland.

B.In uusan PL u burburin damaciisa siyaasadeed awgeed, ugana tegin PL dhibaatooyin ay adkaan doonto xalintooda.

T.Sidaa darteed waxaan ku talinaynaa in aad iska casishid xilka PL aad u haysid maadaama aad qiratay in aad saddexdii sano ee aad xilka haysay inaadan ka shaqaynayn xilkii laguu igmaday ee aad u dhaaratay. (Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara)

4.Goluhu wuxuu Xildhibaanada Allah uga baryayaa in uu u fududeeyo xilka wayn ee loo igmaday, wuxuuna u soo jeedinaynaa qodobada soo socda:

B.Xildhibaano waxaa idin saaran masuu’liyadda masiirka ummadda soomaaliyeed ee xaaladda adag ku jira, sidaa darteed waxaa shacabka aad masuuliyadda u qaadeen idinka rajaynayaa In aad u dooratan jagada Madaxweynaha Qaranka shakhsi isku hayn kara bulshada Soomaaliyeed ee la kala irdheeyey, fahmina kara siyaasadaha iska soo hor jeeda ee dowladaha dariska iyo caalamka.

T.In aanay dooran cid kasta oo lagu yaqaan ku tumashada dastuurka iyo sharciyada dalka, maamul xumo, xadtooyada xoolaha dadweynaha, ku takrifalka awoodaha iyo hantida qaranka, dayicidda amniga, eexda iyo cadaalad darida, iyo abuuridda iska horkeenka iyo fitnooyinka aan u cuntamin shacabka Soomaaliyeed.

J.Sidaad la socotaan waxaa dhacday in Guddoomiyihii Baarlamaanka PL barqo cad la weerary sifo aan sharci ahaynna looga qaaday xilka, ka dibna sideed Xildhibaan oo xasaanad led sidii shaqaale xilalkoodii looga qaaday, iyadoo loo isticmaalayo takrifal awoodeed.

  1. Goluhu wuxuu taageerayaa bayaankii ka soo baxay Qurbajoogta PL iyo Madasha Baadigoobka hogaan suuban.

Jibril Qoobey.