Gaas oo taageero xoog leh umuujiyay Fahad Yaasiin

“Labada dhinac ee siyaasadda isku haya waxay ka dhex hadlayaan guddiga doorashada, markii horena guddi fiican oo shaqadiisa gudanaya ma aheyn, howshii laga rebay guddigaas ma qaban, waxa hadda isku jawaabayana ayaga maahane, cid kale ayaa ka dhex hadleysa,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Gaas oo la hadlay BBC,ayaa waxaa kaloo la weydiiyey go’aanadii ka soo baxay Hir-Shabelle iyo Koonfur-galbeed,Ayuu yiri.

‘“Afarta kursi sababta ay liiska uga reebeen Guddigu ma aysan sheegin, dalka dhan doorasho kama socon ee xulasho aan xalaal aheyn,ayaa ka socotay, marka maxaa afar kursi loo qabsanayaa? Waa in guddoomiyuhu uu dadka u sheegaa sababta,”.

Gaas oo hasalkiisa sii wata,ayaa yiri..”Aniga iima muuqato wax afartaas kursi ku gaar ah, waxaana arrintaas ku gar leh labada dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, inkastoo laftigoodu aysan doorasho sax ah qaban, hadana dooda ah, maxaa lagu heystaa afartaan kursi,Waa ku saxan yihiin.”

Jibril Qoobey.