Guddiga doorashada FEIT oo bilaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo

Guddiga Doorashada Heer Federal ee FEIT,ayaa Sabtida maanta ah bilaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo ee xubnaha Baarlamaanka 11-aad Federalka Soomaaliya, waxaana xildhibaankii ugu horreeyay ee qaata shahaada uu noqday Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), sida uu goor dhaweyd shaaciyay guddigu.

Guddiga doorashada,ayaa shalay ku dhawaaqay liiska xildhibaannada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, iyaga oo xildhibaannada ugu baaqay inay qaatay shahaada, si loo dhammeystiro jadwalka doorashada.

Ilaa iyo hada Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaa qaatay, xildhibaanada kala ah:

  1. Abdisabir Nur Shurie HoP#071
  2. Mahad Mohamed Salad HoP#147
  3. Omar Shariif Mohamed HoP#266
  4. Mohamud Abdulkadir Haji- Jeego HoP#084
  5. Abdikarim Abdow Haydar HoP#252
  6. Ali Mohamed Omar HoP#115
  7. Hussein Kasim Idow HoP#043
  8. Omar Ali Abdi HoP#035
  9. Jawaahir Mohamed Ahmed HoP#001
  10. Abdirahman Mohamed Mohamud HoP#095
  11. Zamzam Muhumed Omer HoP#243
  12. Mohamed Ibrahim Abdi HoP#206
  13. Soleyman Ali Hussein HoP#260
  14. Mohamed Ali Hagaa HoP#268
  15. Ahmed Abdi Koshin HoP#205
  16. Muse Said Jama HoP#263
  17. Ali Mohamud Adan HoP#240
  18. Dahir Amin Jesow HoP#030
  19. Dahabo Susow Mohamud HoP#088
  20. Maryam Aweys Jama HoP#113
  21. Cadar Ali Mohamed HoP#081