Video:-Imisuu dhan yahay Khasaaraha Suuqa Hargaysa ka dhacay?

28-Qof ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen Dabkii xalay ka kacay suuqa Waaheen ee bartamaha magalada Hargeysa.

Sidoo kale Boqolaal Ganacsi iyo Dhismooyin,ayaa ku bas beelay.

Suuqan oo Bedka uu ku fadhiyo lagu qiyaaso ilaa Shan kiiloomitir oo laba jibbaaran,ayaa waxaa gabi ahaanba baab’iyey dabki ka kacay oo socday 20-saacadood waxaa ku gubatay ‘Hanti Malaayiin Doolar ah.’

Inkastoo masiibada dhacday ay tahay mid rabaani ah hadana,waxaa la iran karaa in Wado xumida Suuqa ay sababtay.

Gurmadka Dabka Suuqa ka kacay,waxaa ka qayb qaatay Dowlad Deegaanka Somalida oo soo diray Gurmad dhakhso kusoo gaaray.

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.