Karaasha oo shir gudoomiyay kulan Amniga Puntland looga xaajoonayay

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta Shir-gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo looga hadlay xoojinta Amniga guud ee Puntland iyo dar-dargelinta hawl-galada lagu beegsanayo Kooxaha nabadiidka ah ee Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka,ayaa faray Saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida in ay feejignaan dheeri ah sameeyaan inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan.