Madaxweyne Deni oo aan wax maqaam Diblomaasiyadeed ah ka helin Imaaraadka

Madaxweynaha Dowlada Puntland ee leh tixgelin maxaliya iyo mid heer caalamiba leh,waxuu ku gaaray Imaaraadka socdaal.

Waa socdaal ay muuqato in isagu iskiis ugu baxay oo aan casuumad ka haysan Dowlada Imaaraadka.

Waxuu ka degay Dubai ee kama degin Abu-dhabi,taasoo cadayn u ah in uusan Saldanada ka haysan soo dhaweyn.

Dubai waa magaalo siyaabo kala duwan loo tago oo xataa ay ku jirto arin Siyaasadeed,badanaase Wafuudaha haysta casuumadaha Saldanada waxay ka degaan Abu-dhabi.

Mid kale oo sii xoojinaysa hadal hayntaas waa in aysan jirin wax Diblomaasiya oo ugu tagey garoonka oo uu la mid ahaa Ganacsade Doon soo raranaya.

La yaab maleh sababtoo ah loogamaba baran Deni intii uu hogaanka Puntland hayay in uu helo booqasho maqaam gobeed leh.

Garowe si lagu tilmaami karo tahriib,ayuu uga dhoofay oo cidna maba ogaan marka laga reebo Hooyo Waayeel ahayd oo meel udhow Garoonka Ari ay ku ilaalsanaysay ay ka didiyeen Ilaalada Madaxtooyada.

Saxaafada Maxaliga ah maba soo hadal qaadin socdaalkiisa mida Qasriga Madaxtooyaduna waa aamustay.

Madaxweyne Deni lama ogaado goortuu baxayo iyo waxa uu ubaxayo mana lasoo hadal qaado safaradiisa uu ku joogo dibada.

Bulshada Puntland xaq bay uleeyihiin in loo sheego waxa uu udhoofayo hogaamiyahoodu iyo ogaanshaha halka uu ku sugan yahay iyo weliba danta uu ku maqan yahay.

Deni ma’ahan Qof iska socda ee waxuu huwan yahay maqaam Umadeed oo saamayn leh.

Jibril Qoobey.